Munaasabad lagu xusayay Dhalashada Nabigeenna Muxammad NNKH oo uu soo qaban qaabiyay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, waxaa ka qeyb galay wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo culimaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca.
<span;>Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo khdubad ka jeediyay Munaasabadda Xuska Dhalashadda Nabigeenna Muxammad NNKH ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dhamaan culimaa’udiinkii iyo mas’uuluyiintii ka qeyb gashay,waxa uuna tilmaamay in mar walba ay tahay in la xuso nabigeenna Muxammad NNKH.
<span;>Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa balan qaaday in sanadka soo socda Xuska Dhalashada Nabigeenna Muxammad NNKH lagu qaban doono meel fagaara ah oo ay kasoo wada qeyb geli doonaan dadka Soomaaliyeed iyo madaxda Dalka.
<span;>“Dhalashada Nabigeenna Muxammad NNKH xuskiisa mar walba ayaa nalooga baahanyahay inaan xusno sidoo kalena aan raacno sifooyinkiisii wanaaga badnaa,waxaana culimadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay dadka Soomaaliyeeed ku wacyi geliyaan xuska iyo jaceylka suubanaheenna Muxammad NNKH,waxaan balan qaadeynaa in sanadka soo socda xuska Dhalashada Nabigeennna NNKH aan ku qaban doonno meel fagaara ah oo ay ka wada qeyb galaan dadka Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka “ ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
<span;>Munaasabadda xuska Dhalashada Nabigeenna Muxammad NNKH oo lagu qabtay hoyga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaa ka qeyb galay wasiiro Iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Culimaa’udiin.