GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA LABAAD EE BJFS OO INDONESIA UGA QEYB GALAY SHIRWEYNAHA BAARLAMAANKA ISLAAMKA.

Indonesia;- Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku sugan Magaaladda Jakarta ee Caasimadda wadanka Indonesia ayaa ka qeyb galay kulan horudhac u ah shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo dhowaan halkaasi ka furmi doona, waxaana kulanka oo ay si gaar ah u yeesheen qeybta carabta ee baaramaanka Islaamka looga hadlay waxyaabaha sida gaarka ah wadamada carabta uga khuseeya shirka iyo Ajendaha guud ee shirweynaha.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka wadanka Indonesia, waxaana ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Indonesia, qibrad isweydaarsiga labada baarlamaan iyo sidoo kale sidii howlwadeenadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u heli lahaayeen tababaro aqoontooda iyo qibradooda kor loogu qaadayo.

Shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Islaamka oo sanadkan si guud loogaga hadli doono maamul wanaaga iyo dhisida hay’ado xoog leh ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa xuquuqda dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, Sahaminta istaraatiijiyado qoto dheer oo lala yeesho dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada rayidka ah si kor loogu qaado ka-qaybgal dimoqraadiyadeed oo loo dhan yahay iyo sidoo kale qodobo kale.