Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax-dhiggay waddo interlock oo laga hirgelinaayo waaxda Saqaawadiin ee Degmada Shibis, iyadoona dhismaha waddadaan ay iska kaashanayaan bulshada iyo Maamulka Degmada. Guddoomiye Yabooh ayaa bogaadiyay dadaalada ee iskaashi ee shacabka iyo Maamulka Degmada ay ku dhisanayaan waddooyinka xaafadaha, taasi oo qeyb ka qaadaneysa bilicda iyo horumarka degmada, isagoona kula dardaarmay in laga wadashaqeeyo bilicda iyo amniga. Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Axmed Cabdulqaadir Cali, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax-dhiggay waddo interlock oo laga hirgelinaayo waaxda Saqaawadiin ee Degmada Shibis, iyadoona dhismaha waddadaan ay iska kaashanayaan bulshada iyo Maamulka Degmada.

Guddoomiye Yabooh ayaa bogaadiyay dadaalada  iskaashi ee shacabka iyo Maamulka Degmada ay ku dhisanayaan waddooyinka xaafadaha, taasi oo qeyb ka qaadaneysa bilicda iyo horumarka degmada, isagoona kula dardaarmay in laga wadashaqeeyo bilicda iyo amniga.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Axmed Cabdulqaadir Cali, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.