Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka oo ka qaybgashay shirweynaha Baarlamaanka Adduunka

Islamabad- Shirweynaha todobaad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Adduunka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Islamabad ee Dalka Pakistan, waxaana Soomaaliya ku meteleysa Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa sanadkan waxaa looga hadlayaa Nabadda, degganaanshaha iyo horumarka, waxaana ka qeyb galaya wafuud heer caalami ah oo ka socda Baarlamaanada Adduunka.

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin ayaa ka qeyb galayaasha shirka la wadaagtay fariinta Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan sida shirkaasi uu muhiim ugu yahay dalalka adduunka, gaar ahaan mowduuca shirka ee sanadka oo ah nabadda, degganaanshaha iyo horumarka.

Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa inta ay ku sugantahay dalkaasi waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doontaa madaxda Baarlamaanka Adduunka ka socota ee shirka ka qeyb galeysa.