Guddoomiye Ku-Xigeenka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa ka qaybgalay Munaasabad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in Xaruntan ay door weyn ka qaadan doonto horumarinta adeegyada Bulshada, gaar ahaan la socodka iyo ka hortagga khataraha ka iman kara Biyaha aan nadiifka ahayn.

Sidoo kale, Xaruntan Shaybaarka Biyaha ayaa xoojin doonta awoodda farsamo ee Gobolka, iyadoo suuragelin doonta in si joogto ah loo sameeyo kormeer iyo baaritaanno cilmiyeed oo lagu hubinayo tayada iyo badqabka Biyaha, isla markaana lagu taageero go’aan-qaadasho ku saleysan xog sax ah.

Ugu dambeyn, daahfurka Xaruntan ayaa muujinaya dadaallada lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah iyo ilaalinta deegaanka ee Gobolka Banaadir.