Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka oo shir guddoomiyey gudida joogtada ee golaha

Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) ayaa shir guddoomiyay kulanka 10-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo looga dooday Hindise-Sharciyeedyada agyaala Guddiyadda iyo Ajendeynta Fadhiyada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ayaa go’aamiyay in Hindise Sharciyeedyada agyaala Guddiyadda lagu soo daro ajendayaasha ugu horeeya ee Kulanka Guud ee Golaha Shacabka.

Intaas kadib Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubnaha Guddiga joogtada ayaa dood ka yeeshay dhacdadii shalay ka dhacday Golaha,waxaana Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray xubnaha guddiga ku booriyay in ay dardargeliyaan howsha ay Qaranka u hayaan.