Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka oo codkiisa ka dhiibtay degmada Dharkeenley

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galay doorashada golaha deegaanka Gobolka Benaadir ayaa maanta waxa uu codkiisa ka dhiibtay Degmada Dharkeenley.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka caasimadda oo maanta u dareeray in ay u codeeyaan golaha deegaanka ee Gobolka Benaadir, isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah islamarkaana ay tahay tallaabo dhab ah oo shacabka loogu celinayo awooda go’aan ka gaarista mustaqbalkooda, sidoo kale ay tani bilow u tahay doorashooyinka guud ee dalka oo lagu saleynaayo nidaamka qof iyo cod taasoo dalka ugu dambeysay wax ka badan nus qarni ka hor.

Sidoo kale waxa uu shacabka caasimadda ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir meelna uga soo wada jeestaan wax walba oo wax u dhimaya amniga iyo deganaanshiyaha caasimadda, wuxuuna ugu dambeyn amaan iyo bogaadin u jeediyey ciidamada amniga qeybahooda kala duwan iyo howlwadeenada heeganka ugu jira in si nabad iyo hufnaan
Ah ay shacabka codkooda ku dhiibtaan iyo sidoo kale shacabka caasimadda oo muujiyey adkeysi iyo garab istaaga ciidamada amniga.