Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada

Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka(SoDMA) Dr Axmed Cabdi Adan ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlaayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil Sar sare oo ka socday Hay’addaha ka shaqeeyo arrimaha bin’aadanimada iyo kuwa deeq-bixiyaasha ah.

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb-galay masuuliyiin ka socday wasaaradda Arrimaha gudah fedraalka iyo dibu hishiisiinta.