Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo oo qaabilay wafdi ka socda WFP

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi ayaa maanta xarunta dowladda hoose ku qaabilay xubno ka socday Hay’adda WFP.

Xubnahaan ayaa maayar ku-xigeenka degmada Gaalkacyo kala hadlay xaaladaha abaaraha ee xiligaan ka jira deegaanada gobolka Mudug iyo sidii qiimeyn balaaran loogu soo sameyn lahaa dhibaatooyin ka dhashay abaaraha saameynta culus ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo Eng Maxamed Cabdi Cilmi ayaa sheegay inay aad u korortay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool deegaanada hoos yimaada Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.