Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe Soomaaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Yaasiin Cali Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta  gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta  ee Gobolka Jubbada Hoose.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Cabdiraxmaan Hudle ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wafdigiisa.

Intaas kadib, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Dr Yaasiin Cali Sheekh iyo wafdiga uu hoggaaminayey.