Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada gobolka Banaadir oo agab kala duwan ka guddoontay cutub ka tirsan Ciidanka Talyaaniga

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyogelinta Ee Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jaketti ayaa maanta ka guddoontay cutub ka tirsan Ciidanka Talyaaniga ee ku sugan magaalada Muqdisho Agab kala duwan oo gurmadka Deg Dega ah.

Agabkaan ayaa lagu wareejiyay waaxda dabdamiska/Gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose Xamar kaa oo muhiim u ah Howsha baaxada leh ay Waaxdu u hayso Bulshada Caasimadda ku dhaqan.