Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare oo kulan la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Cali Shacbaan ibraahim oo xafiiskiisa Aqalka Sare kulan kula qaatay Safiirka Dowladda talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa Bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa si dalku u helo xasilooni siyaasadeed

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii labada baarlamaan u yeelan lahaayeen xidhiidh wada shaqaynayd iyo isweydaarsi xirfadeed.