Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobalka Banaadir oo ka qeybgalay kulan dadweyne

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka qeybgalay kulan u dhaxeeyay Maamulka Degmada Shibis iyo Bulshada ku dhaqan Waaxda 3-aad ee Xalane, kaasi oo bulshada loogu dhageysanaayay caqabadaha iyo horumarada ka jira Degmada.

Madashaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa diirada lagu saaray qaabka iskaashi oo ay Maamulka iyo Bulshada ugu wada-shaqeyn karaan dhinacyada Amniga, Bilicda, Dib-u-dhiska Kaabayaasha isku socodka iyo adeegyada kale ee Bulshada.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu bulshada gacan ku siin doonno dib-u-dhiska iyo horumarinta Adeegyada Bulshada, balse loogu baahan yahay in ay dhinacooda door ka qaataan sidii laamaha Amniga iyo Maamulka Degmada gacan loogu siin lahaa ka hortagga Amni darrada, Nadaafada iyo dib-u-dhiska Kaabayaasha isku socodka dadweynaha.