Mudisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo Senataro ka tirsan Golaha Aqalka sare ee JFS ayaa Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamka ee Nabadda iyo Is-cafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka soo gaaray.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamka ee Nabadda iyo Iscafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo maanta dalka soo gaaray ayaa inta uu ku sugan yahay Magaaladda Muqdisho waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadli doonaa xoojinta nabadda, is-cafinta iyo wada-shaqaynta baarlamaanada caalamka
Dhinacyadu waxay sidoo kale ay kala saxiixan doonaan heshiis is-afgarad ah oo kor loogu qaadi doono doorka Soomaaliya, taas oo wax weyn ka qaban doonta sidii dalkeena uu uga soo muuqan lahaa fagaarayaasha caalamka ee nabadda iyo is-cafinta, isla markaana uu xubin firfircoon uga noqon lahaa Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Is-cafiska.


