Guddoomiye cusub oo loo doortay guddiga xallinta khilaafaadka

Maxamed Cawil Warsame ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, kadib markii uu u tanasulay Mustaf Macalin Cali oo ahaa musharrixii la tartamayay.

Maxamed Cawil Warsame oo kamid ahaa todobadii xubnood ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble beddelay ayay hab gacan taag ah ugu codeeyeen xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka inuu noqdo guddoomiyaha guddiga.

21- ka xubnood ee guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban, xubno ka socda guddiga doorashada heer Federaal, FEIT, kuwa heer maamul goballeed ee SEIT ayaa goob joog ka ahaa hoolka teendhada Afisyoone oo ah halka ay doorashadu ka dhacaysay.

Maxamed Cawil Warsame, ayaa sheegay inuu la iman doono hufnaan iyo caddaalad, isla markaana uu wadashaqayn wanaagsan la yeelan doono guddiyada xubnaha doorashada dadban ee Baarlamaanka FS.