Guddoomiye Cumar Filish oo ka qeyb galay munaasabad loogu gogol xaarayay xuska 15-ka May

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta degmada Xamar Jajab uga qayb galay munaasabad lagu maamuusayay aas-aaskii ururkii Gobonima doonka Soomaaliyeed ee 13-SYL oo ku beegan 15-ka May.
Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galeen maamulada Degmooyinka qeybta Waliyoo Cade iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka turjumeysay qiimaha ay leedahay Wadaniyada halgankii ururka SYL oo ka koobnaa 13 Dhallinyaro Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay inay munaasabahan gogol xaarka ah ka socon doonaan degmooyinka Gobolka Banaadir illaamaa laga gaarayo maalinta 15-ka May oo ah markii la unkay ururka dhallinyada SYL ee usoo halgantay xornimada Soomaaliya.