Guddoomiye Cirro oo ka warbixiyay muhiimadda kulankii ay wada yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal Maxamed  Xasan Cirro oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulankii fogaan aragga ahaa ee xalay ay wada yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in kulanka xoogga lagu saaray sidii doorashooyinka loo dardar gelin lahaa iyo caqabadaha ku horgudban in doorashada waqtigeeda ku qabsoonto.

“Kulanka wuxuu xoogga saarayay sidii doorashooyinka loo dardar gelin, lahaa, is-xog-wareysi iyo waxyaabaha in doorashada waqtigeeda ku qabsoonto caqabadda ku ah, wixii la soo maray iyo hadda meesha loo socdo,” ayuu yiri guddomiye cirro.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in kulanka looga dhageystay warbixin ku aadan dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in muhiimaddu ay tahay sidii doorashada u yeelan lahayd waqti cayiman oo lagu dhammeystiro karo.

Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.