Guddoomiye Cali Jeyte oo codsi ka dhan ah argagixisada u diray madaxweynaha JFS

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Guutada 5-aad qeybta 27-ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab ka wada wadada dheer ee xiriirisa magaalada Baladweyne, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka howlgalkan ayaa wuxuu yahay sidii dhibaatada argagixisada looga dul qaadi lahaa shacabka isticmaala wadadaas oo dhibaato xooggan ku qaba.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u hoggaaminayaan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiisha Ciidanka xoogga ayaa gaaray dhowr deegaano oo dhulka buuraleyda ah, halkaas oo ay Al-Shabaab gaadiidka dadweynaha lacago baad ah kaga qaadi jireen.

“ Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga in shacabka laga dulqaado nimanka dhiigyo cabka ah ee caadeystay in ay dhiigga shacabka baneystaan,” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa wuxuu sheegay in ay doonayaan in shabaabka laga xorreeyo deegaanada ay joogaan iyo sidii dib soo celin lahaa xasiloonidii iyo kala dambeynta dadka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay ka cararaan deegaanada ku dhow Baladweyne iyo Matabaan ka dib markii ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka oo is-abaabulay dagaal adag kala hortageen.