Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo gudoonsiiyey 12 Urur oo soo biixiyey shuruudihii looga baahnaa ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ay u diiwaan gashayihiin 17 Urur Siyaasadeed oo rasmi ah kana qayb-qaadan doonaan doorashada dowladaha hoose ee dalka.
Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin kale oo muhiim u ah ummadda Soomaaliya, maaddaama 17-urur siyaasadeed oo diyaar ah in ay ka qeyb qaataan doorashada soo socota ee golaha deegaanka ay isdiiwaangeliyeen.
” Waa arrin muhiim ah ururada diiwaangashan marka la idnku-daro ay yihiin 17-urur-siyaasadeed oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaataan doorashada soo socota ee golaha deegaanka, waa maalin aad muhiim ugu ah ummadda Soomaaliyeed , waxaad la socotaan tallaadadii waxaa bilowday diiwaangelinta dadweynaha codbixiyaasha gobolka Banaadir, maanta waxaa furmay saddex degmo oo cusub, waxaa isku soo aaday saddex degmo oo cusub iyo 17-urur siyaasadeed, waana wax qof kasta oo Soomaali ah ku riyoon jiray, maanta waxaan ku faraxsan nahay in aan idin guddoonsiino shahaadooyinkiina buuxay oo ah in aad tihiin ururo rasmi ah oo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa,”.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen biseyl siyaasadeed, taas oo albaabada u furtay in loo dhaqaaqo doorasho qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed u go’aamiyaan masiirkooda.
” Maanta waa maalin kale oo Soomaaliya muhiim u ah oo muujineysa in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen biseylkooda siyaasadeed oo hormuudka u tihiin adinka, haddii aan nahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha waxaan ku riyoon-jirnay waxay ahayd maanta oo kale, aad ayaa ugu faraxsan nahay in dad u diyaarsan in dalka Soomaaliya uu aado inuu noqdo wadan dimuqraadi oo dadka ay isdoortaan, idinkuna aad bilow u tihiin,”.