Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), oo ku soo biiray maanta Gogosha Wadatashiga Qaran, ayaa bogaadiyay martida shirka, isaga oo ku boorriyay in ay xoogga saaraan talooyinka kaabaya midnimada iyo horumarka dalka.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in dowladihii nala midka ahaa ee burburay ay soo kabteen, maantana ay yihiin kuwa ugu horumarsan caalamka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe: “Dowladihii nala mid ahaa ee burburay way soo kabsadeen, maantana waa kuwa ugu horumarsan caalamka.
Wuxuu shegay guddoomiyuhu in waxa nala haray iyo caqabadda na haysata ay tahay midnimo la’aan, wuxuuna ku tilmaamay midda ugu daran ee hortaagan horumarkeenna, isla markaana ay habboon tahay in wadajirka xoogga la saaro.