Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Cecilia Bylesjö oo ah la taliye sare iyo u qeybsamaha Soomaaliya ee hay’adda FOLKE BERNADOTTE oo ah hay’ad Dowladda Sweden u qaabilsan nabadda iyo horumarinta amniga.
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa wada shaqeynta Hay’adda iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo sidii hay’addan ay Golaha Shacabka uga taageeri lahayd xagga shuruucda, kor u qaadista xirfadda howlwadeenadda Golaha iyo sidoo kale cilmi baarista.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mas’uuliyiinta hay’addan uga mahadceliyay wada shaqeyntooda, asigoo tilmaamay in kulankan uu sii xoojin doono dardargelinta wadashqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.