Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta kusoo dhaweeyay Wasiirka haweenka “SAWIRRO”

Guddoomiyha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa Maanta Xarunta dhexe ee SoDMA ku Qaabilay hoggaannada Haweenka kala duwan ee ku howlan Qaban qaabada Xuska Maalinta Haweenka ee 8da Maarso oo ay Hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Adanaha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Mahamoud Moallim Abdulle,ayaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Adanaha Xildhibaan Hon Khadija Mohamed Diriye kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Wasiirada oo ay wehliyeen hoggaanno kala duwan ee haweenka ku metela hay’adaha dowladda iyo ururrada bulshada, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta Hay’adda SoDMA , iyada oo intaas kadibna Guddoomiyaha iyo agaasimayaasha Guud ee Hay’adda SoDMA la yeesheen kulan dheer.

Wasaaradda haweenka oo abaabul xooggan ugu jirta isu diyaarinta maalinta haweenka adduunka oo ku beegan 8da Maarso ayaa Hay’adda maareynta Musiibooyinka kala hadashay siyaalaha wax loo gaarsiin karo haweenka garab istaagga u baahan ee Naafada ciidanka qaranka, hay’adaha kale ee dowliga ah iyo shacbi weynahaba ka tirsan.

Guddoomiyeha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa wasaaradda u ballan qaaday in hay’addu inta karaankeeda ah ay ku taakuleyn doonto Haweenka Soomaaliyeed.