Guddoomiyaha SODMA oo tababar u furay shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Jamaacadda Cilmiga Caafimaadka ee ku dhextaalla Isbitaalka Digfeer waxa uu tababar uga furay shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA.

Tababarkaan ayaa lagu baranayaa xirfadaha kala duwan ee gargaarka deg-degga ah, waxaana lagu dhisayaa kartida iyo aqoonta shaqaalaha SoDMA ee dhanka gurmadka deg-degga ah iyadoo ay iska kaashanayaan hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.