Guddoomiyaha SODMA oo soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiiradda ee loogu gurmanayo Awdal

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay ku yabooheen lacag dhan $500,000 oo doolar, taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku nool gobolka Awdal.

Golaha wasiiradda xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yaboohay lacag dhan $500,000 taas oo looga qayb qaadanayo Shacabka gobolka Awdal oo ay saameeyeen abaaraha.