Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels, oo booqasho shaqo ku timid Soomaaliya.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha SoDMA iyo IOM, iyada oo labada dhinac ay ka mideysan yihiin ka falcelinta xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka taagan, kuwaas oo maraya heer aad u xasaasi ah.

Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray, Caqabadaha horyaalla howlaha gurmadka bini’aadantinimo, Fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo wax ka qabashada abaaraha, colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyo sii si degdegga ah ee gargaarka loogu gaarsiin karo dadka nugul ee ay si toos ah u saameeyeen musiibooyinka iyo barakaca.

Marwo Ugochi Daniels, oo hadal ka jeedisay kulanka, ayaa si weyn u bogaadisay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan SoDMA, gaar ahaan isku dubaridka gurmadka degdegga ah ee la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka jira gudaha dalka. Waxay ballan qaaday in IOM ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso SoDMA, ayna garab istaagi doonto howlaha hal-abuurka iyo horumarinta xalalka waara ee loogu talagalay barakacayaasha iyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin, ayaa isna dhankiisa u mahadceliyey Marwo Daniels iyo guud ahaan IOM, isagoo xusay doorka muuqda ee ay IOM ka qaadato la tacaalidda xaaladaha bini’aadantinimo iyo dardar-gelinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood.

“IOM waa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay in aan si wanaagsan ugu jawaabno musiibooyinka isdaba-joogga ah ee dalka ka dhaca. Waxaan rumeysannahay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah helitaanka xalal waara iyo qorshe deegaan ku saleysan,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah, lana xoojiyo iskaashiga ku saleysan hal-abuur iyo wax ka qabasho waarta oo gaaraysa dadka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada bini’aadantinimo.