Guddoomiyaha hay’ada maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doonto Soomaaliya Amb. Morakot Janemathukorn.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sida ay dowladda Thailand qeyb kaga qaadan karto howlaha gargaarka, taageerada farsamo iyo qalab ee ay u baahan tahay Hay’ada SoDMA.
Amb. Morakot Janemathukorn ayaa ballan-qaadday in Dowladdedu ka qeyb qaadan doonto tageerada howlaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, si dhowna ula shaqeyn doonto hay’adda SoDMA.