Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimada ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in Hay’adda SoDMA, hay’adaha samafalka, Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay sameeyaan iskaashi iyo dadaal isku-duwan, si loo ilaaliyo bulshada nugul loona yareeyo saameynta fatahaadaha.

Waxaa sidoo kale xoogga la saaray in la qaadayo. tallaabooyin hore (Early Action) iyo gurmad la sii qorsheeyo (Anticipatory Action) si loo yareeyo khasaaraha fatahaadaha ka hor inta aysan dhicin.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hoosta ka xariiqay in wadajir lagu yareyn karo khataraha la saadaalinayo, loona baahan yahay isku-duubni degdeg ah.