Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka, kaas oo lagu taageeri doono wacyigelin, jawaab degdeg ah iyo soo kabasho.

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay kulan istiraatiiji ah oo lagu soo bandhigay qorshe fulineedka horumarinta awoodda iyo abaabulka khayraadka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga hay’adaha iyo ujeeddada ugu weyn ee adeeg hufan oo loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed.

Sanduuqa cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda dalka ee la xiriirta ka jawaabidda musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, lana hubiyo in khayraadka iyo adeegyada muhiimka ah si hufan loogu adeegsado, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo waxyeello kasta oo ka dhalan karta musiibooyinka mustaqbalka.