Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Cabdulle ayaa ka hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la laba-jibbaaro dadaallada ku aaddan yaraynta khataraha musiibooyinka iyo dhisidda bulsho leh adkaysi, si ay u noqoto dhaqan qaran iyo mid bulsho, halkii ay ka ahaan lahayd fulin mashruuc cayiman.
Guddoomiyaha SODMA oo khudbad ka jeediyay daah-furka Shirweynaha 2-aad ee Cilmi-baarista khataraha Masiibooyinka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay guulihii laga gaaray shirkii sanadkii hore ee Cilmi-baarista ee dhacay 6 ilaa 7 bishii Novemebr 2024, kaas oo gundhig u nqoday dhiiragalinta calmi baaris iyo dood cilmiyeed ku dhisan caddaymo lagu maareeyo khataraha masiibooyinka dalka.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shirkani uu ina barayo sida awoodda qarankeennu aysan ugu koobnayn hay’adaha dowladda oo keliya, balse ay ku jirto bulshada noocyadeeda kala duwan, kuwaasoo markasta safka hore ugua jira u diyaar garawga, ka jawaab celinta khataraha musiibooyinka, ka soo kabashada iyo xaqiijinta bulsho leh adkaysi waara.

