Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026 iyo awoodda nidaamka qaranka ee ka jawaabista khataraha fatahaadaha degdegga ah iyo fatahaadaha Webiyada Juba iyo Shabeelle.
Shirka waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA, oo kaashanaysa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), waxaana ka qaybgalaya wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Waxaana diiradda lagu saarayaa tijaabinta habka loo soo saaro, loo gudbiyo loona adeegsado digniinta hore, qiimeynta xogta khataraha, isku-duwidda hay’adaha iyo qaadista tallaabooyinka hore, si xogta saadaasha loogu beddelo go’aanno wax-ku-ool ah oo lagu yareynayo saameynta fatahaadaha iyo ilaalinta bulshada nugul.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay nidaamyada digniinta hore, balse muhiimaddu ay tahay in digniinta la helo loo beddelo go’aan iyo tallaabo hore oo degdeg ah.
Ugu Danbeyn, Guddoomiyahu Waxuu tilmaamay in shirkan lagu tijaabinayo isku-duwidda hay’adaha, wadaagista xogta iyo dhaqaajinta taageerada Gurmadka, iyadoo la aqoonsanayo caqabadaha iyo meelaha u baahan in la saxo, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha loona ilaaliyo nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada.

