Guddoomiyaha SoDMA oo Balcad ka daah-furay mashruuc samafal

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta degmada Balcad ka daah-furay mashruuc raashin qeybin ah oo socon doona saddex bilood, kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan 5,705 qoys (qiyaastii 34,230 ruux) oo ku nool magaalooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Hirshabeelle.

Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faa’iideystaan gargaarka, si loo yareeyo saameynta xaaladda bani’aadantinimo ee deegaanka.

Mashruuca ayaa lagu talagalay in lagu yareeyo dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha, waxaana xafladda furitaanka goob-joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada hay’adda ee taageerada bulshada nugul, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadaha muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo dhaqanka ayaa ku amaanay SoDMA kaalinta ay ka qaadaneyso samata-bixinta bulshada, iyagoo xusay in tallaabadani astaan u tahay baahida loo qabo iskaashi bani’aadantinimo oo joogto ah.