El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – AUSSOM, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, mudane Mahmoud Ali Youssouf, uga warbixiyay fulinta howsha AUSSOM iyo horumarradii ugu dambeeyay iyo kuwa haatan ka socdaba.
Guddoomiyuhu wuxuu amaanay AUSSOM dadaalkeeda joogtada ah ee ku aaddan Nabadda, Amniga iyo xasilinta Soomaaliya, isagoo xusay Iskaashiga dhow ee Hawlgalka la leh Dowladda Federaalka Soomaaliya, horumarinta dadaallada xasilinta, xoojinta Hay’adaha Dowladda, iyo taageeridda kala-guurka tartiib-tartiibta ah ee mas’uuliyadda Amniga ee loo wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Sida lagu qoray Bogga Africa Union, Wuxuu ammaanay geesinimada, xirfadda & naf-hurnimada Dumarka iyo Ragga AUSSOM, isagoo mar kale caddeeyay sida Midowga Afrika AU uga go’an tahay taageerida Safarka Soomaaliya ee ku aaddan Nabad waarta, xasillooni & isku filnaansho.

