Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo furay Shirka Madasha Garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka, Mudane Bashe Yusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u furay Shirka madasha garsoorayaasha.

Madashan ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dooddo xiiso leh iyo aragtiyo qiimo leh oo kor u qaadi doona hannaanka garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay madashan ayaa yiri” Dambiyada ka dhaca dunida waa kuwa sii hormaraya marka waa in Garsoorkeena uu bartaa sidii uu ula Jaanqaadi lahaa fahamka Xeerarkeena iyo dambiyada nagu cusub”