Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka qeyb galay shirka 6-aad ee Golaha Dastuuriga ee Garsoorka Africa

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta ka qayb galay Shirkii 6-aad ee Golaha Dastuuriga ee Garsoorka Africa oo ka qabsoomay magaalada Rabat, ee Boqortooyada wadanka Morrooco.

Shirka oo socon doona muddo laba cisho ah, ayaa hal-ku-dheggiisu yahay “Garsoorka Dastuuriga ah ee Africa iyo Sharciga Caalamiga ah”. Golahan ayaa ah madal joogta ah oo lagu xoojiyo xidhiidhka, iskaashiga iyo waayo-aragnimo wadaagga Garsoorka Africa.