Guddoomiyaha Maamulka Dhuusamareeb oo tababar u soo xiray shaqaale ka tirsan wasaaraddaha Galmudug

Tababarkan oo mudo sedax maalmood ah u socday shaqaale ka tirsan wasaaraddaha Galmudug iyo Maamulka Dhuusamareeb ayaa Ku saabsanaa sida loo xaliyo qilaafaadka iyo isku dhacyada bulshada, waxaana geban-gebadiisan kasoo qayb galay Mas’uuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Dhuusamareeb ahna duqa Caasimada Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, madax ka socotay hey’adda UNDP oo laheyd agaasinka tababarkan iyo tababarayaal ka tirsan Jaamacada Gaalkacyo oo bixinayay casharada mudadii sedaxda maalmood aheyd ee aqoon kororsigan socday.

Qaar ka mid ah shaqalaha tabarka ka loo qabat ayaa iyana ka mahad celiyay aqoon kordhintan loo sameeyay, iyagoona balan qaaday in ay dhaqan galin doonaan casharada ay qaateen oo muhiim u ah nabadgalyada guud ee Bulshada.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo soo xiray tababarkan ayaa sheegay in dhisida aqoonta shaqaalaha dowlada hoose kaalin mug leh ka qaadan karto xalinta qilaafkaadka keena gacan ka hadalka ee deegaanada miyiga inta badan ka dhaca.