Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka JFS oo khadka Taleefanka kula hadlay Dhiggiisa Dalka Jabuuti

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac), oo khadka Taleefanka kula hadlay dhiggiisa Dalka Jabuuti Dileita Maxamed Dileita ayaa kaga mahadceliyay Hambalyada iyo bogaadinta qiimaha leh ee uu ii soo gudbiyey, iyo dareenka Walaaltinimo ee uu ila wadaagay.

” Waxaan khadka Taleefanka kula hadlay Walaalkey, Mudane Dileita Maxamed Dileita, Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti”.

Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa Maanta Cabdiqaadir Maxamed Nuur u doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo balan qaaday in uu si cadaallad u hoggaamin doono Golaha.

 

Mahadsanid Mudane Guddoomiye.