Guddoomiyaha hey’adda maareynta masiibooyinka oo kulan la qaatay guddoomiye ku xigeenka hey’adda maareynta masiibooyinka ee dalka Turkiga

ANKARA- Gudoomiyaha Hay’adda maareeynta masiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda maareeynta Masiibooyinka Turkiga ee loo yaqaan AFAD.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashi & wadashaqeyn.

Hey’adda maareynta masiibooyinka ee AFAD ayaa si gaar ah uga taageeri doonta dhisidda kaabayaasha muhiimka u ah maareeynta qataraha iyo musiibooyinka.

Kulanka kadib wafdiga Hey’adda ayaa booqday Xarunta dhexe ee isku daba ridka iyo maareeynta Musiibooyinka dalka Turkiga.