Guddoomiyaha Hay’adda SOMDA oo la kulmay madax ka socota Hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin ayaa maanta kulan la qaatay madax ka socota Hay’adda UNDP.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo wada-shaqeynta Hay’adda Maareynta iyo masiibooyinka qaranka iyo wax ka qabashada masiibooyinka ka dhaca magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Sidoo kale, guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa uga mahad-celiyay Hay’adda UNDP dib u dhiska ay ku samesay xarunta SOMDA iyo taageerada joogtada ee ay la garab taagan yihiin.