Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi kaga qayb galay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka daah-furay shir maqaamkiisu sarreeyo oo lugu falanqeynayay dhammeeystirka iyo fulinta geeddi socodka hindisaha sidii bulshada looga haqabtiri lahaa digniinaha halis-wadareedka (EW4ALL) kana kooban afar tiir oo muhiim ah.

Ajandaha shirka labada maalmood ah lugu falanqeyay ayaa ah, sidii loo dhammeeystiri lahaa loona buuxin lahaa gaabiska iyo dul-duleellada ka jira nidaamka qaran ee bixiya digniinaha halis-wadareedka (NMHEWC) si loo gaaro yoolka la dajiyay ee badbaadinta nolosha iyadoo loo marayo nidaamka digniinta ugu horrayso ee khatarta badan leh ee Soomaaliya kaas oo ay hay’adda SoDMA dowladda mas’uul uga tahay taaba-gelinta geedi-socodka iyo dhameeystirka hindisahan (EW4ALL).

Shirkan wadatashiga ah waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda UNDRR, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay hay’addaha kala ah UNDP, UNDRR, FAO, WMO,UNFPA, UNHCR, World bank, CIMA Research Foundation iyo saraakiil ka kala socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Nidaamkan digniinta hore ee khatarta ee Soomaaliya ayaa u horseedaya dalka dariiq hore loogu soconayo oo lagu gaari doono nidaam bixiya digniinta halis-wadareedka oo wax ku ool ah iyada oo loo marayo hoggaanka SoDMA taas oo looga gol-leeyahay in khatarta halista la saadaaliyay ee soo socota digniinteeda looga haqab-tiri lahaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.