Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamal Maxamed Xasan madaxa xarunta dhexe IGAD ee laqabsiga cimilada iyo ilaalinta Deegaanka.
Kulanka qaabilaaddaasi ayaa si qoota dheer looga hadlay wadashaqeyn dhexmarta labada xafiis ee dhanka maaraynta masiibooyinka iyo dhisidda awoodaha u adkeysiga ee xagga maasiibooyinka bulshada.
Waxaa kaloo qodobadii looga hadlay ka mid ahaa in si dhab ah loo dardargaliyo fulinta tala soojeedintii ka soo baxday qiimayntii lagu sameeyay saamayntii ka dhalatay fatahaadihii 𝗘𝗹 𝗡𝗶ñ𝗼 ee 2023.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la dardargaliyo howlaha dhaqaale raadinta ee khuseeya fatahaadaha iyo abaaraha ka dhaca dalka’ maadaama Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee qiimayn dhameystiran ku sameeyay fataahadii Elnino dalal kamid ah Urur goboleedka IGAD.