Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada Soomaaliya, Mudane George Conway, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen khubaro iyo mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ka jirta gobolka Awdal, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada, isla markaana ku sii fideysa deegaano hoos taga maamulka Puntland. Waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee lagu sameyn karo qorshe mideysan oo wax looga qaban karo xaaladda bani’aadantinimo.

Intii kulanka uu socday, dhinacyadu waxay isla garteen in la qabto shirweyne ballaaran oo ay ka soo qeyb geli doonaan ganacsatada Soomaaliyeed, culimada, hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo Qaramada Midoobay (UN). Shirkan ayaa lagu xoojin doonaa wada shaqeynta bulshada Soomaaliyeed iyo iskaashiga beesha caalamka,  si hufan iyo waxtar lehna wax looga qabto xaaladaha abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay isku keenida dhammaan qaybaha bulshada. Waxa uu carrabka ku dhuftay in masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah aan cid keli ah lagula tacaali karin, balse loo baahan yahay qorshe mideysan oo ay wadajir uga shaqeeyaan dowladda, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Sidoo kale, waxaa lagu dhawaaqay in Madasha Arrimaha Bini’aadantinimo, oo sanadkiiba saddex jeer la qabto, kulankeeda soo socda lagu qaban doono magaalada Jowhar, caasimadda maamulka Hirshabelle. Madashan ayaa noqon doonta fursad lagu mideeyo aragtiyaha iyo qorshayaasha wax ku oolka ah ee wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad buuxa, iyadoo dhinacyadii ka qeybgalay, oo ay ku jireen khubarada iyo mas’uuliyiinta lasocotay, ay isku raaceen in laga dhabeeyo dhammaan qodobadii lagu heshiiyay, si wax looga qabto xaaladaha abaarta iyo masiibooyinka kale ee ka jira gudaha Soomaaliya.