Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeyb galay dood looga hadlayay Isbeddelka Cimilada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qaybgalay dood ka dhacday xarunta IGAD ee shirka COP31, taas oo diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, barakaca dadka iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka gobolka IGAD.

Dooddaan oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen IGAD, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Dowladda Talyaaniga, waxaa lagu falanqeeyay saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee cimiladu ku leeyihiin barakaca dadka iyo hab-nololeedka bulshada, iyadoo xoogga lugu saaray muhiimadda la qabsiga isbeddelka cimilada iyo maalgelinta xalalka waara.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay xoojinta nidaamyada saadaasha iyo digniinta hore, hirgelinta tallaabooyinka ka-hortagga musiibooyinka (Anticipatory Action), iyo adeegsiga xogta iyo falanqaynta khataraha si tallaabooyin loo qaado ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, maalgelinta waarta iyo xoojinta diyaar-garowga, si loo yareeyo khataraha musiibooyinka, loo ilaaliyo nolosha dadka, loona xoojiyo u adkeysiga iyo hab-nololeedka bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan isbeddelka cimiladu.