Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka hadlay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyuhu waxa uu si diirran u soo dhaweeyay Madaxda iyo Martida ka qeyb galeysa Shirka, isaga oo Carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay  Dalka in laga gudbo habka kaliya ee ka jawaabista Deg-Degga ah, loona gudbo qorsheyaal waara oo diiradda saaraya ka hortagga Musiibooyinka iyo dhisidda adkaysiga Bulshada.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay weli la daalaa dhacayso dhibaatooyin soo noqnoqda sida Abaaraha iyo Fatahaadaha, kuwaas oo si weyn u saameeya Nolosha Shacabka, isla markaana malaayiin Qof ay wajahayaan Cunto yari iyo Nafaqo Darro.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in Dowladdu mudnaan gaar ah siinayso: Xoojinta isku-duwidda Hay’adaha Ka hortagga Musiibooyinka ka hor inta aysan dhicin

Horumarinta nidaamyada digniinta degdegga ah Adkeynta iskaashiga bah-wadaagta

Shirkan muhiimka ah waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Safiirrada, Deeq-bixiyeyaasha, NGO-yada gudaha iyo kuwa Caalamiga ah, Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Jaamacadaha, Qurbajoogta iyo Khubaro leh aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan arrimaha Abaaraha iyo Gargaarka Bini’aadannimo.