Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud (Kaarshe), ayaa Maanta si rasmi ah u daahfuray kulanka bilowga Nidaamka Digniinta Hore ee Khataraha Soomaaliya (S-MHEWS).
Kulanka ayaa looga hadlayaa hirgelinta nidaam ay Hay’adaha Dowladda ku mideysan yihiin, kaas oo bixiya digniinta hore ee Khataraha kala duwan (National Multi-Hazard Early Warning System).
Shirkan waxaa ka qeybgalaya Wakiillo ka kala socda Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Hay’adda SoDMA iyo mas’uuliyiin ka tirsan Urur Goboleedka IGAD.




