Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu qaban doono Madasha Arrimaha Bini-aadannimada Soomaaliya (CHF 2026).

 

Wafdiga waxaa qeyb ka ah Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-Goboleedyada Dalka, waxaana Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka KGS, Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

 

FB_IMG_1782633689737.jpg

FB_IMG_1782633708643.jpg

FB_IMG_1782633695728.jpgFB_IMG_1782633694391.jpg