Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Madax ka socotay madasha mutadawiciinta oo kulan wada qaatay

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay Madasha Mutadawiciinta Soomaaliyeed (Somalia volunteering work forum).

Guddoomiyaha ayaa isbarasho kadib ka dhagestay Guddoomoyaha madasha Mudane Xasan Cali Axmed wax qabadka iyo qorshooyinka fog ee madasha, isagoo Guddoomiye Maxamuud Macalin uu dhankiisa soo dhaweeyay fikirka mutadawacnimo ee madasha ku dhisantahay oo ah arrin Soomaaliya si aad ah ugu baahantahay.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Muane Maxamuud Macalin ayaa u balan-qaaday in Hay’adda SoDMA iyo Madashan cusub si dhaw u wada shaqayn doonaan.