Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda El Niño ee la filayo iyo saameynta ay ku yeelan karto dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan khataraha fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee ka dhalan kara roobabka.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta diyaargarowga hore, digniinta hore iyo isku-duwidda hay’adaha si loo yareeyo saameynta musiibooyinka iyo in bulshada nugul loo diyaariyo gurmad ku habboon.




