Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo dhan $𝟏,𝟎𝟎𝟎,𝟎𝟎𝟎 taasoo ay Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ugu talagashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Deeqdaan lacageed waxaa xarunta Hay’adda SoDMA ku wareejiyay Safiirka Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya, Mr. Wang Yu, waxaana Lawareegay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo sheegay in deeqdan ay gacan ka geysan doonto dardargelinta adeegyada gurmadka degdegga ah, gaar ahaan gaarsiinta raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyo muhiim u ah dadka nugul ee ay abaaruhu si daran u saameeyeen.



