Guddoomiyaha Guddiga xuska maalmaha xorriyadda ahna Wasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo la kulmay Heya’addaha Amniga

Wasiirka Warfaafinta XFS ahna Guddoomiyaha guddiga Qaran ee qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda 26 June iyo 1-da Luulyo Cismaan Obokar Dubbe ayaa kulan la qaatay hay’adaha amniga kana dhagaystay warbixin ku saabsan maalmaha muhiimka u ah Qaranka ee xorriyaddaha,

kulankan  oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Warfaafinta ayaa looga hadlay hawlaha dardar gelinta maalmaha xoriyadda oo fooda inagu soo haya.

kulanka ayaa kusoo gabogaboobay jawi heer sare ah, waxaana laysla qaatay sii xoojinta Amniga iyo u diyaar garowga maalmaha xorriyadda ee nagusoo aadan maalmaha soosocda.