Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo qaabishay madaxa hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka  Dr. Maryam Qasim, ayaa maanta Muqdisho kula kulantay Wakiilka cusub ee hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Christophoros Politis.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada hay’adood ee Guddiga iyo UNDP.

Guddoomiyaha iyo Wakiilka waxay si gaar ah diiradda u saareen kobcinta awoodda Guddiga, ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, isku-duwidda iyo xoojinta isla shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ku hawlan ilaalinta xuquuqul insaanka, iyo fursadaha lagu abuuri karo barnaamijyo wadajir ah oo bulshada wax loogu qabanayo mustaqbalka.